Madaxweynaha XSKC ayaa maanta xariga ka jaray xarunta cusub ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay yeeshay xarun uu ku shaqeyno farxad weyn ayey ii tahay inaan maanta xariga ka jaro ayuu yiri madaxweyne Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiino).

Xaruntaan oo ka kooban labo dabaq ayaa laga hirgaliyay Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.