Madaxweynaha XSKC oo kulan afur la qaatay Xogheynta Xiriirka

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiino) ayaa caawa kulan afur la qaatay Xogheynta iyo hoolwadenada Xiriirka, isaga oo kala hadlay sii loo dardargalin lahaa shaqooyinka horyaala oo mudooyinkii dambe hakad ku yimid.

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Somaaliya ayaa kula dardaarmay Xoghenyta uu la kulmay inay laba jibaaraan shaqooyinka dib u bilowanayo oo ah shaqo aad u weyn mas’uuliyadne xambaarsan.