Madaxweynaha XSKC oo ka tacsiyeeyay geerida Cayaaryahan hore Yuusuf Gacal Ahmed (Gaabshe)

Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya ayaa umadda Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana bahweynta kubadda cagta uga tacsiyeysay geeridii ku timid ciyaaryahnkii hore kooxda dowladda hoose iyo xubin gudiga fulinta xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed Marxuum Yuusuf Gacal Axmed (Gaabshe) oo maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo war saxaafadeed soo saaray isagoo ku hadlayay magaca gudiga fulinta ayaa sheegay in geerida ku timid Marxuum Gaabshe ay ka dhigan tahay in bahweynta Isboortiga Soomaaliyeed uu ka baxay ruux laf dhabar ah oo muddo ka badan kasoo shaqeeyay horumarinta Isbrootiga Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan bahweynta isboortiska Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Waxaada Warfaafinta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya

Email: media@footballsomalia.so