Madaxweynaha XSKC oo ka tacsiyeeyey geerida hooyo Nuuro Cabdulle Siyaad.

Madaxweynaha XSKC Mudane Cali Cabdi Maxamed Waxaa U Tacsiyadeynaya guddoomiyaha kooxda Ummah Hospital Bashiir Salaad Barre oo Kamid ah Odayashaasha kubadda Cagta Oo Hooyadiisa Hooyo Nuuro Cabdulle Siyaad Geeri Ku Timid.

“Anigoo ku hadlaya magaca Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Waxaan bahweynta kubadda cagta ugu Tacsiyadeynaya Geerida Naxdinta Lahayd ee Ku Timid Hooyo Nuuro Cabdulle Siyaad oo ah guddoomiyaha kooxda Ummah hospital Hooyadiisa” Ayuu yiri madaxweynaha.

Alle ha u naxariisto marxuumada waxaan eebe uga baryayaan in uu naxariistii Jannada ka waraabiyo qoyskii iyo eheladii ay ka baxayna samir iyo IImaan ka siiyo.AAMIININAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN… GEERIDU WAA XAQ.