Kooxaha Heegan iyo Gantaalaha Afgooye ayaa maanta ku wada ciyaari doona garoonka Muqdisho kulan ka tirsan horyaalka Somali National League, iyadoo labada dhinac ay u kala ciyaarayaan ujeeddooyin kala duwan.
Heegan ayaa kulanka soo galeysa iyadoo ku jirta qaab ciyaareed cajiib ah, kadib markii ay 15 kulan ka uruursatay 34 dhibcood.
Dhanka kale, Gantaalaha Afgooye ayaa isla tiradaas kulamada ah ka heshay 4 dhibcood, waxaana ay raadineysaa inay hagaajiso xaaladdeeda horyaalka.
Kooxda Heegan ayaa haysata fursad dahabi ah oo ay kula wareegi karto hoggaanka horyaalka, haddii ay saddexda dhibcood ka hesho kulankan, iyadoo dhibcaheedu gaari doonaan 37 dhibcood.
Labada koox ayaa markii ugu dambeysay ku kulmay wajigii koowaad ee horyaalka, markaas oo Heegan ay soo bandhigtay ciyaar heer sare ah kuna adkaatay 8–1.
Waxaa la filayaa in kulankan uu noqdo mid xiiso gaar ah leh, iyadoo Heegan ay dooneyso inay sii xoojiso loollanka hoggaanka, halka Gantaalaha Afgooye ay isku dayi doonto inay ka faa’iideysato fursadda si ay uga baxdo xaaladda ay ku jirto.
