Kooxaha Dekedaha iyo Mogadishu City ayaa ku kala tagay bar baro 0-0, ciyaar ka tirsan horyaalka Soomaaliya.
Kulankan ayaa qeyb ka ahaa ciyaaraha toddobaadka 16’aad ee Somali National League, iyadoo ay u soo daawasho tageen masuuliyiin iyo boqolaal taageerayaal ah, kuwaas oo aad ugu riyaaqay bandhiga kooxaha ay ku sameeyeen garoonka Muqdisho.
Masuuliyiintii usoo daawasho tagtay kulankan waxaa qeyb ka ahaa xoghayaha guud Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Md Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha garsoorka XKCS Xasan Aadan Wiish.
Labada koox ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed aad loogu riyaaqo waxaana waqtigii loogu tala galay ciyaarta ay kusoo idlaatay bar baro 0-0.
MCC ayaa ku jirta kaalinta saddexaad kala sarreynta horyaalka Soomaaliya, iyadoo 16 kulan shaqeysatay 32 dhibcood, halka Dekedaha ay fadhiso booska lixaad, waxa ayna gacanta ku heysataa 28 dhibcood.

